KCIA logo

Sawir kor laga qaaday ee eegaya dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan ee KCIA iyo magaalada Skyline

Cusbooneysiin

Bilowgii hore sanadkii 2023, KCIA waxa ay bilaawday hannaan lagu cusboonaysiinayo Xeerarka iyo Shuruucda ,dukumentiyada Madaarka  Heerarka garoonka ugu yaree waafaqsan shuruucda Maamulka Duulimaadyada Federaalka (FAA) iyo hagidda.

Dukumiintiyadan waxay sare u qaadayaan guud ahaan howlaha ay qabtaan, maamulka Guud iyo maamulka garoonka waxayna gacan ka geystaan sidii loo sugi lahaa badqabka kireystayaasha garoonka iyo dadka isticmaala garoonka. KCIA waxay shaqaalaysiisay la-taliyaal maareynta dulimaadyada (AMCG) si ay u cusbooneysiiso dukumentiyada KCIA si waafaqsan shuruucda federaalka, gobolka iyo degmadaba. Kooxda mashruuca ayaa gaaray qabyo qoraalka kama dambaysta ah ee Xeerarka iyo Qawaaniinta Garoonka iyo cusbooneysiinta Heerarka ugu hooseeya ee Garoonka, waxaana dukumiintiyadan ay diyaar u yihiin Kireystaha Madaarka iyo dib u eegista xubnaha bulshada. 

Dib u eegista muhiimka ah ee lagu sameeyay dukumiintiyadan waxaa ka mida mowduucyadan soo socdo. 

Xeerarka iyo qawaaninta

  • Bayaanka siyaasadda iyo maamulka
  • Iska wax qabsashada iyo hawlaha la mamnuucay
  • Kala duwanashaha iyo diidmada
  • Dayactirka xarunta iyo keydka
  • Dayactirka hoolka diyaarada
  • Ururka duulista ee aan ganacsiga ahayn
  • Gelitaanka, kaarka aqoonsiga, raacidda qofka si ammaanka loo ilaaliyo

Heerarka ugu hooseeya

  • Bayaanka siyasadda iyo xuquuqda gaarka ah
  • Heshisyada iyo wax ka badalka
  • Shuruucda ogolaanshaha ee hawl-wadeenka gaanacsiga
  • Goobaha la kireeysto iyo ammaanka
  • Shaqsiga iyo saacadaha shaqada
  • Shatiyada iyo shahaadooyinka
  • Hawl wadeeno Madaxbanaan

Waxanu kugu casuumnay si aad wax badan oga ogaato wax yaabaha cusbooneysiinta ah ee lagu sameynayo dukumiintiyadan lana wadaag jawaab celintaada qaabkan soo socda 

  • Arag shuruucda iyo xeerarka la cusboneeysiiyay iyo dukumiintiyada heerarka ugu hooseeya ku wadaagna ra’yigaaga qeybta hoose ee bogan. 
  • Iimayl udir kooxda mashruuca ee KCIACommunityOutreach@kingcounty.gov.
  • Ka qaybgal mid ka mid ah kulamadayada fogaan araga ah ee Kiraystaha Gegida dayuuradaha iyo shirarka bulshada ee Maarso 12, 2024. Macluumaadka diwangalinta ayaa ku xusan hoos 

Kireystayaasha garoonka iyo ka qaybgalka bulshada

Maarso 9, 2023, KCIA iyo AMCG waxay qabteen laba kulan si ay ugu wargeliyaan kireystayaasha Garoonka diyaaradaha ee danaynaya iyo xubnaha bulshada mashruuca, si ay u wadaagaan jadwal dib u eegis lagu sameeyo iyo cusboonaysiinta Xeerarka iyo Heerarka ugu Hooseeya ee Garoonka, iyo inay kooxda mashruuca la wadaagaan su'aalo iyo faalooyin. Kulamada ayaa lagu qabtay si shaqsiyan ah iyo qaab onlayn ah (intarneedka ah) Duubista kulanka intarnedka ah waa la heli kara si loo eego halkan.

KCIA waxay martigelinaysaa wareeggii labaad ee Kulamada Kiraystaha Gegida Diyaaradaha iyo Bulshada Maarso 12, 2024. Soo jeedintu waxay ahaan doontaa isku mid labada shirba. Fadlan iska diwagali halkan hoose si aad oola kulanto kooxda mashruuca, aadna wax oga barato dib u eegisyada muhiimka ah ee lagu sameeyay dukumeentiyadan, lana wadaag faalooyin kaaga iyo jawaab celintaada.
 Kulamada waa la duubi doonaa waxaana laga heli karaa internetka kulamada kadib.

Waa maxay Kulanka Kireystayasha garoonka diyaaradaha iyo xubnaha bulshada  

Goortee Marso 12, 2024

Si aad u codsato turjumaan luqada ama turjubaan  Luqadda suul dhabaalaha ee Mareykanka ee shirarka, fadlan nagala soo xiriir KCIACommunityOutreach@kingcounty.gov.

Asalka hore

Gegidda Caalamiga ah ee Degmada King (KCIA) waxaa iskaleh oo maamulo King County. KCIA waxaa saran oo ay ku xirantahay waajibaadka u dhexeeya Degmada iyo FAA. Si loo ilaaliyo waajibaadkan, KCIA waxay dib u eegtay oo cusboonaysiisay Xeerarka iyo Shuruucda Madaarka iyo dukumentiyada Heerarka ugu hooseeya ee Garoonka. Dukumiintiyadani waxay kor u qaadayaan guud ahaan maamulka hawlgalka, iyo maamulka Madaarka iyagoo:

  • Ilaalinay badbaadada kiraystayaasha Madaarka iyo isticmaalayaasha;
  • Korinta hormarinta iyo dib-u-habaynta hantida Madaarka ee hada jirta;
  • Kor u qaadida badeecadaha, adeegyada, iyo tas-hiilaadka hawadasare;
  • Yaraynta surtagalka ah ee iskudhaca ee kireystayaasha iyo istacmalayashaa, iyo
  • Bixinta meel lagu xaliyo tabashooyinka 

Xeerarka Madaarka iyo Shuruucda Madaarka iyo Heerarka ugu hooseeya ee Madaarka waxay u baahan yihiin in ay la socdaan Hubinta Deeqaha FAA, siyaasadaha, iyo dardaaranka iyo shuruudaha sharci ee ay dejisay Waaxda Duulista Hawada ee Gobolka Washington (WSDOT Aviation), Degmada, iyo wakaaladaha kale ee sharciyeeynta.

Tilmaamaha FAA ee khuseeya waxaa laga heli karaa linkiyada soo socoda

  • Deeq hubinta(link): deeq bixinta gaarahaned #19 Hawl gelinta iyo Dayactirka, #22 Takoorka Dhaqaale, #23 XuquuqdaGaarka ah, iyo #30 XuquuqdaMadaniga ah.
  • Wareegtada La-talinta 150/5190-6 Xuquuqda Gaarka ah ee Garoomada Federaalka ee Waajibka ah (link)
  • Wareegtada talo bixinta 150/5190-8 Shuruucda heerka ugu hooseeya ee hawlaha duulimaadyada (link)
  • Dalabka 5190.6B Beddel 2 Buugga U Hogaansanaanta goronka diyaaradaha (iskuxirka)

Qalabka Madaarka khuseeyo

Question title

La wadaag jawaab celintada KCAI

Fadlan lawadag su’aalahaaga iyo faalooyinkaada kooxda mahruuca.

Question title

Ma jeclaan lahayd inaad is diwaangaliso cusboonaysiinta ku saabsan mashruuca Xeerarka iyo Qawaaniinta Garoonka iyo Mashruuca Heerarka Ugu hooseeya ee Madaarka?

mahadsanid guj ihalkan saad wax badan ooga baratit sida looga qeeyb qaato KCIA.